Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin Magacaabay Madaxa cusub ee Shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugida

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si deg deg ah u magacaabay madaxa cusub ee shaqaalaha Hay’adda NISA kadib markii xilka laga qaaday madaxii hore ee Shaqaalaha NISA.

Cabaas Yacquub oo katirsanaa saraakiisha sar sare ee Haya’adda NISA ayuu Fahad Yaasiin u magacaabay Madaxa cusub ee Shaqaalaha NISA, waxa uuna sargaalkan horey u ahaa madaxa Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada NISA.

Magacaabista Sargaalkan ayaa kusoo aadeysa kadib markii dhawaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya xilka ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyaha Shaqaalaha NISA kadib amara Rooble uu soo saaray uu jabiyay.

Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA ayaa ahaa nin awood badan ku lahaa Hay’adda Nabad Sugida waxa uuna ninkan oo qaraabo la ahaa Madaxweyne Farmaajo ahaa shaqsigii hayay malafka Gobolka Gedo ee khilaafka ka dhax abuuray dowlada iyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo weerar culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday Israel

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Israa’iil xilli ay dad badan dhimanayaan

Cabdi Cade

Dibed-baxyo ka dhan Netanyahu oo hareeyey Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---