Allbanaadir.com
NEWS

Kumanaan Dhalinyaro ah oo safaf dheer ugu jira in loo qoro Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Dalka Itoobiya waxaa ka taagan colaad xoogan oo u dhaxeeysa ciidamada federaalka iyo ciidamada taabacsan jabhada TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigrey, waxaana mar kale awood lasoo baxay kooxda TPLF oo horey loogu jabiyay duulaankii sanadkii hore.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan ugu baaqay dhalinyarada dalkaasi in ay ku biiraan ciidamada la dagaalamaya kooxda TPLF uu ku eedeeyay in ay doonayaan in Qaranka Itoobiya dumiyaan.

Kumanaan dhalinyaro ah iyo dad kale oo howlgab noqday ayaa safaf dhaa dheer u galay sidii loo qori lahaa uguna biiri lahaayeen ciidamada federaalka Itoobiya ee dagaalka kula jira kooxda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigrey.

Kuxigeenka Duqa magaalada Adis ababa Adanech Abiebie, oo la hadlay dhalinyaro isku qoreysa ciidamada Itoobiya ayaa uga mahad celiyay sida ay u aqbaleen codsiga Ra’isul Wasaaraha ee ku aadan in dagaalka ka dhanka ah TPLF kusoo biiraan.

Adanech Abiebie ayaa fariin u diray asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ee degan Adis Ababa inaysan ku kadsoomin beenta kooxda TPLF isla markaana ay qaybtooda ka qaataan sidii shacabka Tigreega looga ilaalin lahaa dhibaataynta xoogga hubaysan.

Kooxda TPLF ayaa xoojisay duulaanka ka dhanka ah ciidamada federaalka iyo maamulada dariska la ah tan iyo markii ciidamada federaalka kasoo baxeen magaalada Makkale iyo magaalooyin kale oo horey looga saaray TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Geelle oo qaabilay Qoor-qoor & wafdigii uu horkacayey

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo waqti la qaatay shacabka degmada Eyl (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka A/dibadda Iran oo gaaray Magaalo ay duqeyn ka wado Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---