Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Guddiga doorashada heer federaal & dowlad goboleed?

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay caawa masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ka dhagaystay labada guddi duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay illaa hadda shaqadu u socoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha shaqada adag ee ay hayeen maalmihii lasoo dhaafay wuxuuna u balan-qaaday iney garab taagan yihiin, lana shaqeyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka socda Baydhabo

Caydiid Ali

Shir ay ka qeyb galayaan Kheyre iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shaafi Raabi oo muddo kooban lagu xiray garoonka dayuuradaha Aadan Cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---