Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo dalka ambabaxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas uga qeyb galaya Shirka Caalamiga ah ee sare u qaadista tayada Waxbarashada carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa  dhigiisa   UK Boris Johnson, Madax ka socota caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo uu kala hadli doono xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo xoojinta kaalmada beesha caalamka.

Waa safarkii 3aad uu ugu baxay dalka dibada tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana uga horreeyey safarkii Jabbuuti ee uu kaga qayb galay caleemosaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo safar kale oo ku tagay dalka Kuwait ka dib geeridii amiirkii dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhigga oo War ka soo saartay Mushahar la’aanta Ciidamada

Caydiid Ali

Jubbaland oo eedeymo cusub u jeedisay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Xaafado katirsa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---