Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ramla Cali oo looga adkaaday tartanka feerka ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo

Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha feerka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa looga adkaaday tartanka.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag oo socotay shan wareeg.

Ramla ayaa la sheegay iney dedaal muujisay intii ay feertameysay inkastooo nasiibku ka hiiliyey, waxaana biladii dahabka aheyd qaatay haweeneydii la guuleysatay.

Ciyaaratan ayaa ka tirsaneyd tartanka feerka ee ciyaaraha Olimbikada ee ka socda magaalada Tokyo ee dalka Japan

Claudia Nechita waxay ka socotaa dalka Romania, waxay ku biirtay ciyaaraha feerka markii 13 sano jir aheyd. Ka hor inta aysan ku biirin feerkana waxay dheeli jirtay kubadda cagta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada ka taagan magaalada Baydhabo

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi uu horkacayo Dr. Johane Carlson

Caydiid Ali
Taboola Ads ---