Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo la kulmay Anita Kiki iyo wefdi ay hogaamineysay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso.

Kulanka Madaxweyne Deni la qaatay Anita Kiki waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in Aqalka Sare ay dhowaan bilowmaan.

Labada dhinac ayaa isku sheegay in muhiim tahay in dalka gaar ahaan Puntland ka dhacdo doorasho hufan oo raali laga wada yahay, waxa ayna Anita Kiki balan qaaday in ay taageerayaan doorashada Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Madaxtooyada Garawe waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Farmaajo iyo waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Duqeymo lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo garaash qaraxyo lagu diyaarinayay

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo Caawa war kasoo saaray Doorashada dalka iyo shakiga ay qabaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---