Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ninkii isku dayay in uu dilo Madaxweyne Assimi Goïta oo isbitaal ku geeriyooday

Madaxweynaha dalka Mali Assimi Goïta, ayaa maalintii ciida ka bad baaday isku day dil kadib markii uu weerar kusoo qaaday nin toorey ku hubeesan xili Madaxweynaha salaada ciida ku dukanayay Masjid weyn.

Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Mali ayaa gacanta ku dhigay ninkan doonayay in uu dilo Madaxweynaha, waxaana ninkan la dhigay xabsi iyadoona ciidamada dambi baarista ku bilaabeen baaritaano.

Ninkan isku dayay in uu dilo Madaxweynaha dalka Mali ayaa la sheegay in hada ku geeriyooday isbitaal la dhigay kadib markii xaaladiisa ka dartay, dowlada ayaana xaqiijisay geerida ninkan isku dayay in uu dilo Madaxweyne Assimi.

Lama oga ilaa hada waxa sababay geerida ninkan ku timid , mana jiro faah faahino dheeraad ah oo dowlada Mali ka bixisay geerida ninkan lagu eedeeyay in uu doonayay in uu dilo Madaxweynaha dalka Mali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo iska soo horjeeda oo Dhuusamareeb ka dhacay iyo Dowladda Ruushka oo..

admin

Shuruudaha laga rabo Shirkadaha diyaaradaha ee u tartamaya u adeegga Xujeyda oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Dalal hor leh oo hakiyey isticmaalka tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---