Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose waxa ku qabteen sargaal ay sheegeen in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowlada hogaamineysay ayaa sheegay in ay qabteen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta Gobolka Shabellaha Hoose oo magaciisa ku sheegeen Cali Maxamed Aadan (Seed Xaaris).

Sargaalkan oo saraakiisha ciidanka milatariga soo bandhigeen ayey sheegeen in uu kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo howlgalada Al Shabaab ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan saraakiisha ciidanka dowlada baahiyeen ee ku aadan in ay qabteen sargaal katirsanaa Al Shabaab, dowlada ayaana marar badan soo bandhigtay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre oo xariga ka jaray xarumo ciidan oo laga hirgeliyey Cadaado (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Erik Lundberg? (Sawirro)

Caydiid Ali