Waxaan doonayaa inaan Soomaaliya dib ugu soo celiyo nabada, xasiloonida, iyo ku dhaqanka sareeynta sharciga, iyadoo loo marayo hab dhaqanka ay sareyso tayada heerka aqoonteeda.
Markasta waxaa hamigeyga aad ugu weyn inaan qeyb ka noqdo himilooyinka lagu hiigsanayo gaarista lagu rumeeynayo riyooyinka wadaninimo ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaan dadaal adag u soo sameeyey sidii aan uga mirodhalin lahaa dhameeystirka qorshooyinka siyaasadeed ee waxqabadka musharaxnimadeeyda oo weliba si niyadsami ah ay ugu cadahay fulinta balanqaadyada aan u sameeynayo ummadda Soomaaliyeed.
Balanqaadyadaas waxaa ugu weyn dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ah dowlad shacab oo rayid ah oo ay hawlwadeenadeedu si aqoon ku saleeysan ay uga soo dhex baxaan shacabkooda. Dowladaas oo u adeegeeysa ku shaqeeynta maslaxada guud ee shacabkeeda, kuna shaqeeysa mar walba rabitaanka ku dhisan kalsoonida iyo dareenka shacabkeeda.
Waxaa intaas xigta curinta hoggaan madaxtooyo oo horseed u noqda tixgelinta dhaqanka talowadaaga si loo wada dhiso dalka dowladiisa. Hogaankaas oo dowladnimada Soomaaliya daacada ugu shaqeeynaya sida ay u noqon lahay mid qayiimkeeda si xora uga dhigeeysa mid u madaxbanaan ismaamulkeeda iyo aayokatalinta mustaqbalka shacabkeeda. Waxeyna hogaamintaas dowladeed ay noqoneeysaa mid xushmeeyn weyn siineeysa dhowrista xoriyadda iyo xuquuqda wadaninimada oo ay shacabku si toosa ay ugu leeyihiin u dhalashada Soomaalinimada.
Hogaankaas wuxuu sidoo kale xurmeeynayaa xaqiijinta qiimaha Soomaalinimada oo ay qaranimadeedu asal ahaan ugu dhisan tahay iskutaga beelo isir, af, iyo dhaqan wadaaga. Waxeyna qayiimka dowladda dhexe hubineeysa sii xoojinta lagu awoodsiinayo madaxbanaanida ay ismaamulida dowlad goboleedyadu ay si xora ugu maamulanayaan arrimaha kala duwan ee ka dhexjira gudahooda. Waxaana looga baahan yahay in dhamaan maamul goboleedyada ka dhexjira dalka ay hubaal ka dhigaan iney xaqiijiyaan dhowrista heshiisyada ay galaan iyo ixtiraamida dastuuradooda u degsan oo weliba ay hubiyaan in dastuuradoodu ay si buuxda u waafaqsan yihiin tixraacida dastuurka dalka sareeyntiisa.
Dowladda aan dalka u dhisayo waxey bixineeysaa adeegyo ah daryeel dadweyne oo lacag la’aana oo ay u fidineeyso qoysaska danyarta ah. Adeegyada daryeelka oo ay dowladu bixineeyso waxaa ka mida, sida xanaaneeynta cuuryaaminta sida gaarka ah maskaxda iyo jirka cuuryaanka uga ah, kuwa da’doodu weyn tahay oo hawlgabka ah, caruurta aan haysan xanaanada waaridka, iyo haweenka loo geeysto tacadiyada. Waxey kaloo xukuumadaas dagaal adag la geleeysa wax ka qabashada sharta hoos ku qoran oo masiibooyinkoodu ay yihiin kuwa markasta caqabadahoodu yihiin kuwa ugu weyn ee hortaagan horumarka Soomaaliya. Waxaana sidoo kale dhibaato weyn ku ah horumarinta dowlanimadeena dhibaatooyinka ay ku hayaan sharwadeyaasha adeegsanaya sharaha soo socda oo kala ah:
Qabyaaladeysiga, Musuqmaasuqa, Kelitalisnimada, Xagjirnimada, Cadaalad darrida, Saboolnimada, Daryeel La’aanta Danyarta, Tuugsiga Kaalmada Shisheeyaha, Shaqo La’aanta, Aqoon La’aanta, Maandooriyaha, Baahida, Bugtada, Madaxbanaani La’aanta Ismaamulka Dowladda, Xoriyad iyo Xuquuq La’aanta, Hogaanxumada, Maamulka Madaxda Tuugada, Xukunka Wadaadnimada, Saameynta Lacagta Ganacsiga Burcadnimo, Qaswadida Dagaaloognimo, Naasnuujinta Dowladda ee Saaxiibtinimeysan, Maamul Dulsaar Ku ah Xukumida Maamul Kale, Cidlo Gooni u Taagnaanshaha, Dagaalo, Wasaqeynta Deegaanka, Federaalnimada Qabyaaladeysan, Faragelinta Shisheeyaha, Kor U Kicida Dhimashada iyo Hoos U Dhaca Tirada Dadka Soomaaliya, Burbur Dhaqaale, Amnidarro, Abaaro, Duufaano, Daadad, Khilaafyo Aan Lahayn Dibuheshiisiin, Xakameyn La’aanta Cudurada Faafa, Lacagta oo Ka Awood Badatay Dowladnimada, Maqnaanshaha Xisbiyo Siyaasadeed, Qabsoomid La’aanta Doorasho Qof iyo Coda oo Si Xor iyo Xalaala U Dhacda, Amnidaradda Cuntada iyo Dawooyinka, Biyo Nadiif La’aanta, Dilalka Qorsheysan, Tirokoob La’aanta Dadweynaha, Lacag Li’ida Qaranka, Aqoonsi La’aanta Documentiyada Dalka, Aafada Ayaxa, Jiritaanka Qurafaadka Kutirikuteenka ah, Kufsiga Haweenka iyo Caruurta, iyo Jirdilka Maxaabiista.
Shartaas iyo adeegsiga sharwadeyaashooduba waxey Soomaaliya u horseedeen iney adduunka intiisa kale ka harto oo shacabkeedu waayo adeegyada aasaasiga ah oo ay bixiyaan dowladuhu. Bixinta adeegyadaas oo ah balanqaadyo muqadas ah oo madaxbanaanida dowladnimada iyo dastuurkeedaba la dhasha. Kuwaas oo ah xuquuqaha iyo xoriyadaha lagu helo gobonimada.
Soomaaliya waxey ku taagan tahay mariinka dibusocodnimada oo ay guuldarro ugu gaartey saboolnimo. Dowlad saboolana waxaa maamulideeda lagu xalaaleeyaa inaaysan awoodin bixinta adeegyada dadweynaha sida: Waxbarasho, Caafimaad, Jidad, Dekedo, Biyo Nadiifa, Bulaacado, Bangiyo, Caymisyo, Horumarinta Miyiga, Daryeelka Waayeelka iyo Cuuryaanka, Gadiid La’aanta Badda, Gadiid La’aanta Cirka, Dhowrista Dhirta iyo Duurjoogta, Nabaadguurka, Nadaafadda Deegaanka, Tayeeynta Dhaqashada Kaluunka iyo Xoolaha, iyo Kobcinta Waxsoosaarka Beeraha iyo Miraha Dabeecigaa ee Duurka.
Adeegyadaas bulsho oo dowladnimada Soomaaliya ka maqan waxey laa’aantoodu sababtay in dadku waayaan xuquuqo iyo xoriyado dastuuriya sida: Daryeel La’aanta Dadka Saboolka, Xadgudubka Tacadiyada Loo Geeysto Dadka, Xuquuqda Hawlgab La’aanta, Guryo Dadweyne La’aanta, La’aanta Xuquuqda Shaqada, Adeecid La’aanta Rabitaanka Dadka, Xuquuq La’aanta Caruurta, Cuuryaanka, iyo Waayeelka, Madaxbanaani La’aanta Warbaahinta, Madaxbanaani La’aanta Hayadaha Aan Dowliga Ahayn ee Korjoogteeynta, Madaxbanaani La’aanta Baarlamaanka, Madaxbanaani La’aanta Garsoorka, Madaxbanaani La’aanta Aqoonyahanka iyo Khubarada Ka Talo Bixin La’aantooda Dhabkahadalka Cilmigooda, Canshuur Xaddhaafa oo Aan Xuquuq Wehlisa Lahayn, Xadidnaansho La’aanta Doorashooyinka Xilalka Madaxweeynaha, Sanatarada, iyo Xildhibaanada, Jiritaan La’aanta Dhaqdhaqaaqyo Bulshadeed oo Abuura Isbedelo Bulsho, Xaqsoor La’aanta Imtixaanada iyo Dalacsiinta Darajooyinka, Xuquuq La’aanta Haweenka, iyo Ku xadgudubka Xuquuqda Barekacayaasha iyo Qaxootiga Magangelyo Doonka Ah
Hogaamiye Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha