Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Masuul 5 jeer laga celiyey garoonka Aadan cadde oo ugu dambeyn maanta ka dhoofay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Macalimu oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta Qaranka garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday iyo sida yidadiilada leh ee ku hogaaminayo dalka, gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ka dhoofo garoonka Aadan cadde anigoo xor ah, waxaana arrintaas uga mahad celinayaa RW Rooble” ayuu yiri Macalimu oo aad u faraxsanaa.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Antalya iyo Xog laga helay Sababta

Caydiid Ali

Jeneraal xilka madaxweynaha ka tuuray Ina adeerkii oo maanta loo dhaarinayo Madaxweyne

Cabdi Cade

Somaliland oo ka falcelisay eedeyn kaga timid Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---