Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada dadban 2020/2021 ee heer Federal, gaar ahaan Habraaca lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee soo baxey 1-da Oktoobar 2020, kaasoo awood sharci ah u siinaya GXKHDD eegista iyo go’aaminta muranada lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada heer federal iyo heer Dowlad gobaleed ee ku aadan codbixiyaasha iyo murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shuruudaha Cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:
Waxaa cabasho u soo gudbinsan kara GXKHDD;
1- Murashax soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021 loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara GXKHDD Xildhibaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.
3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa GXKHDD, soona buuxiyaa foomka diiwaangalinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.
4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.
Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya,Guddigu wuxuu qadanaaya go’aanuu ugu garnaqaayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com