Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidankii degaanka Soomaalida oo la geeyey jiidaha hore ee dagaalka Tigray

Ciidamadii dowlad degaanka Soomaalida ee dhowaan loo diray dib u caabinta xoogaga TPLF ayaa gaarayn jiidaha dagaalka kala qeybiya gobolada Amhara iyo Tigray ee dalka Itoobiya.

Ciidamadan oo tiradoodu aad u yartay marka la eego baaxada dagaalka ka socda Itoobiya ayaa loogu talo galay iney ka qeyb qaataan dedaalka dowlada Itoobiya ugu jirto ka hortaga ciidamada jabhada TPLF oo doonaya iney meelo badan qabsadaan.

Dad badan ayaa dhaliilay ciidamadan loo diray dagaal ay sheegeen in lagu difaacayo degaanada Axmaarada oo aan Soomaalida shaqo ku laheyn.

Hase ahaatee Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa difaacay talaabadada uu maamulkiisa ciidamada ugu diray dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya.

Cagjar ayaa sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaasoo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii horay u xasuuqay shacabka deegaanka Soomaalida.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda ka jira dalka, dibna saameyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u gumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay” ayuu yiri Cagjar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddo kordhin u sameeyey Xilliga doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---