Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Goob degmada Cadale looga dhisayo Garoon dayuuradeed oo la kormeeray (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein  Xuseen ayaa maanta sahan ku soo sameeyay goob la filayo in laga dhagax dhigo mashruuca dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goob la filayo in laga dhiso guryaha martida oo dhowr dabaq ka koobnaan doono.

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya maamulka Hirshabele oo kaashanaya dowlada federaalka iyo heyaddo caalami ah, iyadoo garoonkan uu noqon doono mid jaay ah oo ay isticmaali karaan dayuuradaha  yar yar oo kaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Cadalle.

Madaxweynaha ayaa kulankaan uga mahadceliyay Maamulka iyo bulshada Degmada Cadalle soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kulan arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Mareykanka oo War kulul kasoo saaray Jahwareerka ka taagan Siyaasada Soomaaliya

Cabdi Cade

Amiirka Qatar oo ka hadlay kaalintii uu ku lahaa soo celinta xiriirka Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---