Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug hadana ah Musharax u taagan Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cali Gacal Casir ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu xilka uga qaaday Ra’isul Wasaare Rooble saraakiil katirsan Hay’adda NISA.
Cali Gacal ayaa sheegay in talaabada Rooble qaaday aheyd mid loo baahnaa , waxa uuna xusay in talaabadan muujineyso sida Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga shaqeenayo cadaalada uguna hortagayo in sharciga lagu tunto iyada oo awood la is bidayo.
”Talaabada Rooble qaaday ee shaqada uga eryaya saraakiisha NISA katirsan waa mid mudan bogaadin iyo soo dhaweyn, Rooble waxa uu muujiyay sida uu uga shaqeenayo cadaalada iyo dhax dhaxaadnimada, mana ahan xiligan oo doorasho loo diyaar garoobayo in awooda dowlada loo adeegsado sifo sharci daro ah” ayuu yiri Cali Gacal.
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Rooble talaabooyinkii ugu dambeeyay uu qaaday ku kasbaday taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Siyaasiyiin badan ayaa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay xil ka qaadistii maanta Ra’isul Wasaare Rooble ku sameeyay Madaxii shaqaalaha Hay’adda NISA iyp taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde kuwaa oo jabiyay amar uu horey usoo saaray Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com