Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Maseersan oo Bambaano ku weeraray Saaxiibtiis hore oo xiriirka u jartay

Nin la sheegay in uu katirsanaa ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa bambaano ku weeraray gacalisadiisi hore oo xiriirka u jartay , waxaana ninkan falkan uu ku kacay la tilmaamay in uu ku kalifay maseer.

Askariga maseersan ayaa bambaanada ku tuuray baar ay ku sugneed saaxiibtiis hasa ahaatee bambaanada ayuu ninkan la waayay waxa ayna ku dhacday nin kale oo la sheegay in uu ahaa askari milatri oo goobta ku sugnaa.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in askariga milatariga uu gacanta ku qabtay bambaanada kahor inta aysan qarxin , waxaana askarigaasi waxyeelo xoogan bambaanada ka gaarsiisay xubintiisa taranka.

Dhacdadan oo si weyn looga hadal hayo gudaha dalka Kenya ayaa ka dhacday magaalada Isiolo , waxaana labada askari midka weerarka geestay iyo kan ku dhaawacmay ka howlgalayeen saldhigyo kuyaala magaaladaasi.

Askariga booliiska ayaa xiriirka waxaa u jartay saaxiibtiis hore oo la sheegay in nin kale ka raacday, waxaana askarigan oo aad u maseeray go’aansaday in uu waxyeelo gaarsiiyo saaxiibtiis hore oo nacday kana dooratay nin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga Sahan oo Walaac ka muujiyay talaabooyin ay qaaday Xukuumadii dhacday

Cabdi Cade

Aabe Wiilkiisa oo katirsanaa Ciyaal Weerada Muqdisho ku wareejiyay Booliiska

Cabdi Cade

Galmudug oo Shaacisay in ay qabanayaan Doorasho qof iyo Cod ah iyo Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---