Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Israa’iil oo dooneysa in ay ku biirto Midowga Afrika iyo Ujeedka ay ka leedahay oo la ogaaday

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay dib ugu biirayso Midowga Afrika iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israa’iil waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israa’iil ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israa’iil magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israa’iil iyo Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israa’iil ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israa’iil.”

Lapid ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israa’iil ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israa’iil ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo ay Israa’iil doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israa’iil ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Kenya oo diyaarisay Qorshayaal ka dhan ah Farmaajo iyo Khilaaf soo kala dhax galay Musharaxiinta iyo Deni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---