Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Burcad ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Ciidamada Ammaanka Dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay laba nin oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen koox burcad ah.

Raggan ayaa dhac u gaysanayey dukaan ku yaalla Suuqa Soomaalida Eastleigh ee magaalada Nairobi xiliga la tooganayey.

Ciidamada ayaa sidoo kale hawlgalkaasi ku dhaawacay ilaa afar qof oo kale oo kooxahaasi kamid ahaa.

Amaanka xaafada Islee ayaa mudooyinkan sii xumaanyey ka dib markii ay ku soo bateen burcada geysata dhaca iyo afduubka.

Dhowaan ayey aheyd markii xaafadaas laga afduubtay haweeney Soomaali ah oo markii dambe boolisku ku guuleysteen iney soo furtaan, taasoo loo geystay jirdil iyo garaacis intii ay ku jirtay gacabta burcadda oo ka dooeysay madax furasho lacageed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda heyadaha DF

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo ganacsade Soomaali ah ku dilay degmada Gugulethu

Caydiid Ali

Mareykanka oo dhaleeceeyey weerarkii lagu laayey saraakiisha Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---