Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la dardaamay Guddiga doorashada heer federaal (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Xubnaha guddiga ayaa Raisul Wasaaraha kaga warbixiyey qorsheyaasha ay ugu talo galeen iney ku qabtaan doorashooyinka labada aqal ee dhowaan ka bilaabanaya dalka.

Roobe ayaa dhinaciisa ku amaanay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal dedaalka ay wadaan ee ku aadan sidii ay doorashooyinka ugu qabsoomi lahaayeen qaab hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay guddiga inay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaki laga muujiyay Safarka PM Rooble & Madaxwayne Geelle oo u hanjabay….!!

Cabdi Cade

Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo la gudbiyey & Guddoomiye Mursal oo qabtay

Caydiid Ali

Talyihii ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Magaalada Gaza oo iscasilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---