Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo dalab xasaasi ah u gudbiyey Axmed Madoobe

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, ayaa codsi qoraal ah maanta u gudbiyay madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

xubnaha guddiga ayaa ka dalbaday inuu maalmaha soo socda guddiga u soo gudbiyo diiwaanka iyo magacyada xubnaha la doonayo inay u tartamaan golaha Aqalka sare ee ka soo galaya Jubbaland.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa doonaaya inay doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talagalay oo ah 25ka bishan oo haatan ay naga xigto 2 cisho.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka aysan ku qabsoomi doonin xiligii loo asteeyey inkastoo guddiga doorashada heer federaal uu ku adkeysanayo in waqtigii loogu talo galay aysan dhaafi doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oon wali ka jawaabin casuumad uu usoo diray Saciid Deni

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Isbitaal ku booqday dad kusoo dhaawacmay qaraxii Baladweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Cudur aan la garaneyn oo ka dilaacay dal aan ka fogeyn Somalia (Astaamo argagax leh)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---