Allbanaadir.com
NEWS

Wasaarada Waxbarashada oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka F12-aad Ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijadda Imtixaanka F12-aad Ee dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2020-2021.

Sanadkan waxaa imtixaanka dugsiga sare looga baxayo u fadhiistay 34908 Ardey oo ku kala nool magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada Jubbalanad, Hirshabelle ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wasaarada Waxbarashada ayaana soo bandhigtay magacyada iyo iskuulada ardayda kaalinta ugu sareysa ka galay imtixaanka , waxaana sanadkan ardayga galay kaalinta koobaad noqday arday wax ka barta magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug.

 

 

Related posts

Meydka Askari Ciidamada AMISOM ku dileen Muqdisho oo la diiday in la aaso

Cabdi Cade

Madaxweyne Musaveni oo talo yaab leh siiyey dhigiisa Somalia Farmaajo

Caydiid Ali

Gen. Cabdixamiid: “Raisal Wasaare Rooble ayaa boobaya dhulkii ciidanka Badda”.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---