Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ireland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo arrimaha dibedda dowlada Ireland Simon Coveney TD.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay wefdiga ka socda dalka Ireland Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arimaha dibadda iyo Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo arimaha dibadda Ireland ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirada gaashaandhiga iyo arimaha dibadda Soomaaliya, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen xoojinta xariirka labada dal iyo sidii Ireland u taageeri laheynd DF.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaana la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka bixiso ujeedka safarka Wasiirka Gaashaandhiga arimaha Dibadda dowlada Ireland iyo waxyaabihii labada dhinac isku afgarteen wadahadalada ay yeesheen kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo si weyn uga carooday kitaabka Quraanka ee lagu gubay dalka Sweden

Cabdi Cade

Madaxweyne Joe Biden oo go’aan adag qaatay

Cabdi Cade

Dagaal goordhaw ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---