Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wariye Caan ah oo loo xiray Akhrin La’aanta Wareegto kasoo baxday Madaxweyne

Muddo saddex Isbuuc ah waxaa xiran Weriye u shaqeeya Warbaahinta Dowladda Koonfurta Sudan ee SSBC, kaa oo lagu eedeeyay in uu ka caga jiiday akhrinta wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dalkaasi.
 
Weriyaha xiran oo lagu magacaabo Alferd Angasi Dominic kana mid ah War Akhriyayaasha Warbaahinta Qaranka ee dalkaasi ayaa waxa uu u xiran yahay Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Koonfurta Suudaan ee loo soo gaabiyo NSS.
 
Mid ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahintaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in Alferd Angasi Dominic la xiray, kadib, markii uu Weriyaha xiran fasax qaatay hal maalin ka hor Maalintii uu War Akhrinta uu lahaa, iyadoo ay Xaaskiisa xanuunsanayd.
 
Balse, qaar ka mid ah Weriyayaasha ayaa u turjumay maqnaanshihiisa inuu diidanaa inuu akhriyo Wareegto Madaxweyne Silva Kiir ka soo saaray Dib-u-dhiska Gole Ku-meel-gaar ee Dowlad-gobaleed.
 
Xubno la socday Hay’adda NSS ayaana la sheegay inay Saxafiga ka kaxeysteen goobtiisa shaqada, isagoo ilaa haatana ku xiran Xabsiga Hay’addaasi.
 
Waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo Saxafiga ku eedeysan inuu shaqada uga baaqday, si uusan u akhrinin Wareegto Madaxweyne.
 
Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Warbaahinta Qaranka dalka Koonfurta Suudaan ee SSBC iyo Saraakiil ka tirsan NSS-ta ayaa bishan July 15-dii Kulan ka yeeshay Qaddiyada Saxafiga xiran.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen in Saxafiga la sii daayo, balse, weli waxa uu dhex yururaa Xabsiga.
 
Saraakiisha NSS-ta waxay sheegeen in la sugayo Sarkaalkii bixiyey Amarka lagu xiray War-Akhriye Alferd Angasi Dominic.
 
Sarkaalka ayaa la sheegay inuu fasax ku maqan yahay, mana kala cadda Xilliga uu shaqada ku soo laabanayo.
 
Nidaamka Hay’adda NSS-ta dalkaasi u degaan ayaa ah inaan qofka la sii Dayn Karin ilaa uu Sarkaalkii soo xiray uu bixiyo Amarka Eedeysanaba lagu sii dayn doono.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Eedeymo culus loo jeediyay iyo Mahdi Guuleed oo…

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaanka Camaara

Caydiid Ali

Gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo Caronavirus kula dhacay Xabsi ay ku xiran tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---