Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Warbixintii Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo u gudbiyeen R/W Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhaqan geliyo dhammaan qodobbada ay soo saareen Guddigu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qodob qodob u dil istaagay nuxurka warbixinta oo xal u ah caqabadaha amni, siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee Gobolka, waxa uuna faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

“Waxaa isoo gaartay marar kala duwan cabashooyin la xiriira muwaadiniin looga xannibay socdaalkooda sababo siyaasadeed taas oo ah arrin aan la qaadan Karin, sidaas awgeed waxaan farayaa Hay’adda Socdaalka in aysan mar kale soo laaban arrimahaas, ciddii ku kacdana waxa ay mudan tahay xisaab.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiya nololeed ee ka jira Gobolka Gedo, kuwaas oo ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta ee dhawaan kormeeray Gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo sida howlkarnimada ah ee ay uga soo dhalaaleen masuuliyaddii loo xilsaaray, waxa uuna sheegay in uu u gudbin doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Xubanaha Maamulka Degmada Garbahaarreey si uu ugu soo saaro Wareegto.

Halkan ka Akhriso Warbixint guddiga gudbiyeen

7. Talo soo jeedinta Guddiga
 
Guddiga xal u raadinta doorashada Gobolka Gedo, kadib u kuurgalis xaaladda Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey iyo wadatashiyo balaaran oo ay la sameeyeen qaybaha bulshada, masuuliyiin iyo siyaasiyiinba, waxayna ku talo bixinayaan qodobada soo socda in si dhaqso ah loo fuliyo:
 
1. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta socdaalka, Hay’ada duulista hawada iyo hay’adda nabad sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aden Cadde iyo kan Kismaayo in aan Muwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo.
 
2. In isla wareegtadaas uu Ra’iisul Wasaaruhu ku soo saaro, in si waafaqsan heshiiskii 27 May 2021, aysan ciidamada kala duwan wax faragelin ah ku sameyn karin siyaasadda iyo amniga doorashada Dalka, marka laga reebo hay’adaha amniga ee loo xilsaaray fulinta qorshaha amniga doorashada. Amniga doorashada Garbahaareey waxaa loo marayaa si waafaqsan soo jeedintii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May 2021 ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
 
3. In Guddiga doorashada Jubaland (SIEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan Garbaaharey iyo wakhtiga la bilaabayo doorashada kuraasta 16ka ah. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in la tixgeliyo codsigii Bulshada Garbahaarey ee ahaa in lagu bilaabo doorashada magaalada Garbahaarey.
 
4. In ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagga Garbahaarey ay xoojiyaan amniga guud ee Degmada si looga illaaliyo in Argagixisadu soo farageliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaarey.
 
5. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ay si joogta ah uga wadatashadaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada Gobolka si loo hubiyo habsami u socodka doorashada iyo hirgelinta dhammaan heshiisyada fududeynaya xasiloonida iyo nabadda doorashada kuraasta Garbahaarey.
 
6. Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinaynaa in Magaalada Garbahaarey laga hirgaliyo mashaariic horumarineed oo deg deg ah si ay qayb uga qaadato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dhanka dowladnimada. Mashaariicda horutabinta leh waxaa ka mid ah
 
1) In la hagaajiyo biyaha Magaalada
2) Dhismaha garoonka kubbadda cagta
3) In la dhiso suuq dadka ka dhexeeya
4) In la hagaajiyo jidadka Magaalada
5) In meel ku haboon laga hirgaliyo garoonka diyaaradaha.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda oo dilay wiil ka shaqeeya arrimaha Bini’aadanimada

Cabdi Cade

Cabsi ka taagan gudaha Sweden ka dib ka dib falalkii lagu gubay kitaabka Quraanka

Caydiid Ali

Puntland oo arrin cusub ku eedeysay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---