Guri uu degnaa sargaal katirsan ciidanka booliiska dalka Ruushka gaar ahaan kuwa ilaalada wadooyinka ayaa lagu dhax arkay Musqul ,Jiko iyo qeybo kale oo gurigaasi kamid ah oo lagu xardhay Dahab iyo alaabo kale oo qaali ah.
Koox baarayaal ah oo katirsan booliiska Ruushka ayaa u dhacay guriga sargaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle sare Alexei Safonov oo ahaa madaxii ciidamada waddooyinka gobolka Stavropol, waxaana sargaalkan loo heestaa falal la xariira musuq maasuq.
Muuqaal lasoo dhigay Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa laga dhax arkayay baarayaasha oo galay guri weyn uu lahaa sargaalka musuqa loo heesto kaa oo dad badan la fajaceen markii gudihiisa loogu tagay dahab iyo alaabo kale oo qaali ah.
Sargaalkan iyo saraakiil kale oo musuq maasuq loo xiray ayaa lagu eedeeyay in laaluush ay ka qaateen dadweyne oo ay siiyeen shatiga gaadiidka oo been abuur ah, waxaana shaktigan horseeday in gaadiid waday badeeco kontorobaan ah ay ka gudbaan baraha booliiska joogaan.
Baaritaanka lagu sameeyay guriga sargaalka booliiska ee loo xiray musuq maasuqa ayaa sidoo kale laga helay gaadiid iyo alaabo kale oo qaali ah iyo lacago kuwaa oo la sheegay in musuq maasuq ku qaatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com