Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo beenisay hadal ka soo yeeray taliye Jen. Maxamad Tahliil Biixi

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay hadal ka soo yeeray taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya Jen Biixi ee ahaa in Milatariga Soomaaliya ay dagaalyahano badan ka laayeen Al-shabaab.

Jen. Biixi ayaa sheegay in 70 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah lagu dilay duullaan lagu qaaday shaldhigyo ay kooxdaas ku leedahay gobolka Mudug.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weligood ciidamo intaas le’eg aysan iskugu keenin hal goob, waxayna hadalka taliyaha ku timaameen mid la yaab leh.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Jen. Maxamad Tahliil Biixi oo hogaaminaya duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug, ayaa sheegay in dagaallada ay ku qaadayaan deegaannada Shabaab ay haystaan uu yahay mid qorsheysan oo ay kala hoggaaminayaan isaga, wasiirka amnga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Sanatar Cabdi qayb-diid.

Degaannada ka tirsan gobalka Mudug gaar ahaanna Bacaadweyne ayaa waxaa ku soo laalaabtay dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Galmudug oo iskaabaya iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey labo walaalo ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaaliyaha Jubbaland oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

admin

Maxamed Max’uud Cali (Afgooye) oo saaka hortagaya Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---