Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Daawo Sawirro) Shacab ku mashquulsanaa diyaar garowga ciida oo qarax lagu laayey

Weerar bambaano oo lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu laayey ugu yaraan 35 qof halka tobaneeyo kalena lagu dhaawacay.

Sida ay sheegeen ila wareedyo dhanka amniga ah qaraxa ayaa ka dhacay suuqa ku yaal waqooyiga magaalada Sadr, xilli qoysasku isu diyaarinayeen ciidda Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Baqdaad muddo lix bilood ah.

Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish  ayaa sheegatay mas’uuliyadda, waxayna sheegeen in mid ka mid ah xubnahooda uu qarxiyay jaakad lagu rakibay walxaha qarxa.

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka ay kula jirtay kooxdan IS sanadkii 2017-kii, hase ahaatee unugyada haraadiga ah ayaa sii wada weeraro iyo qaraxyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Shirkii Golaha Amniga oo lagu soo dhaweeyey Barnaamij uu sameeyay Maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo dalab muhiim ah hor dhigay Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---