Amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa digniin culus ka soo saaray doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhowaan.
Cod cusub oo uu soo duubay oo lagu soo beegay Munaasabadda ciidda ayuu Abu Cubeyda sidoo kale kaga hadlay khilaafkii ka dhashay doorashada Soomaaliya ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasoo uu xusay iney cadeyn u tahay in dalka uu xukumo shisheeye.
Madaxda talada dalka heysa iyo musharaxiinta ayuu ku sifeeyey iney yihiin kuwo u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, laguna amini karin masiirka ummada.
“Waxaan uga digeynaa ummadda inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga waxaana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri.
Abuu Cubeyda ayaa digniin culus u diray ergooyinka la filayo iney ka qeyb qaataan doorashooyinka dhowaan la qabanayo.
“Mujaahidiintu waxay digniin iyo dardaaran u dirayaan ergada wax soo xusha, amnigiina ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool” ayuu yiri abuu Cubeyda.
Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa dhinaca kale weeraray hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray iney yihiin Culimo faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciynaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda
Warbaahinta Soomaalida ayuu sidoo kale ku eedeeyey iney u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimoqraadiga ah, ayna qariyaan xaqiiqda ka jirta dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com