Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cape Town: Dil iyo dhaawac loo geystay wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ahaa

Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koofur Afrika ayaa caawa dilay dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Cape Town labo wiilal walaalo ah oo Soomaaaliyeed

Rag hubeysan ayaa dukaankooda ugu galay wiilashan Soomaalida ah xili ay ku guda jireen howlahooda ganacsi, iyagoo dilay Axmed Macalin Jimcaale, halka ay dhaawaceen walaalkiis ka weyn Maxamed Macalin Jimcaale.

Weerarkan ayaa ka dhacay Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

“Dukaanka Saddex Wiil ayey ku joogeen, Tuugada oo shan nin ahaa ayaa iyagoon qofna wax weydiinin xabadaha ku asqeeyey dukaanka, taasoo haleeshay Axmed oo halkaas ku dhintay iyo Maxamed oo hadda yaalla Isbitaalka Kraaifontein, waxayna burcada dhaceen lacagihii Dukaanka yiilay” ayuu yiri mid kamida Ganacsatada tagay goobta ay dhacdadu ka dhacday.

Booliska dalka Koonfur Afrika oo goobtaas gaaray wax yar ka dib ayaa wada baaritaano, iyadoo kooxdii burcada aheyd ay goobta goor horeba ka baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Siyaasiyiin caan ah oo baaq furan ka soo saaray xaalada Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo qaaday talaabo lagu soo afjarayo dagaalka TPLF

Caydiid Ali

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---