Marka aad eegto xeerarka wadankeena u degsan garsooruhu waa dhexdhexaad ,sidaasi darted lama ogala in uu ku biiro xisbi siyaasadeed ama uu hogaamiyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed sida ku cad qodobka 25aad ee xeerka Nidaamka Soomaaliya ee Gasroorka taas ayaa waxaa ay dhawaceysaa nidaamkii caddaalada waana sababta loogu diidan yahay in uu siyaasi noqdo ama siyaasad ka shaqeeyo Taasoo keeni karta inay qaloociso dhexdhexaad nimadiisa iyo hufnaantii shaqo ee looga baahnaa .
Â
Hadaba marka aan usoo noqono siyaasada Soomaaliya iyo dhaqdhaqaa ololaha siyaasadeed waxaan aragnaa In madaxa ugu sareya Garaoorka Soomaaliya uu dhax Boodayo siyaasadaha is diidan ee ka dhax jira Beèlaha qaar .
Â
Gudoomiyaha maxkamada sare Baashe Yuusuf Ahmed ayaa waxaa uu u tafaxeetay in uu ka shaqeeyo sidii Kursi beel leedahay ugu boobi beshiisa uu ka dhashay taas oo dhaawac weyn ku ah hadal jeedintiisi shirkii madasha Garsoorka Soomaaliya isaga oo sheegay in ay maxkamada Sare qaadi doonto isla markaasna ay xalin doonto khilaafaadka ka dhasha Doorashooyinka .
Hadaba su’aashu waxay tahay garsoorahan sidee loo Aamini karaa?
Â
Guddoomiye Baashe ayaa waxa uu Xusul duub ugu jiraa in Jufadiisa uu kursi u boobo Taasi oo aan marnaba suura gal u aheyn ceebna ku ah Madaxa Cadalada ugu Sareya .
Â
Ugu Dambeyntii madaxda qaranka oo uu ugu sareeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, Raysal wasaaraha xukumada Federaalka Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo Gudiyada Doorashooyinkaba waxaanu ugu baaqeynaa in ay si hoose u eegaan falalka guracan ee Bashe uu ku doonayo in uu ku boobo kuraas ay leedahay beel ka mid ah Belaha dega waqooyiga Somalia
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com