Maamulka Somalilnad ayaa maanta xabsiga kasii daayay haween tiro badan oo loo xiray in ay soo xirteen dhar ay ka muuqdeen astaanka Calanka Soomaaliya maalmihii loo dabaal degayay xuriyada Soomaaliya.
Ciidamada booliiska ayaana maanta xabsiga Gabiley kasii daayay 35-haween ah oo loo heestay in ay xirteen calanka Soomaaliya, waxaana haweenlkan maalmo badan ku jireen xabsiga iyadoona markii hore laga xiray magaalada Laascaanood .
Goobta lagu fasaxayay haweenka xirnaa waxaa ka hadlay siyaasiytiin, odayaal iyo saraakiil , waxaana bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Somaliland uga digeen in ay xirtaan ama lagu arko astaanta calanka Soomaaliya.
Xabsiyo kale oo kuyaala deegaanada maamulka Somaliland waxaa wali ku xiran dhalinyaro loo heesto in ay calanka Soomaaliya dhar ka sameesan ay ku dhax xirteen gudaha Soomaaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com