Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay dagaalyahano katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad, Guutada 16aad ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ku dilay xubno la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Saraakiisha ciidankan hogaamineysay ayaa Warbaahinta afka dowlada ku hadasha u sheegay intii howlgalka socday in ciidamada bur buriyeen fariisimo dhoor ah oo Al Shabaab lahaayeen kana soo abaabuli jireen weerarada.

Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha hogaamineysay howlgalka ay fuliyeen ciidamada kumaandooska ee Danab in ay dileen 15-dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab sidoo kale hub kala wareegeen.

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa maalmahan waday howlgalo ay kula dagaalamayaan Al Shabaab iyo howlgalo kale ay ka fulinayeen deegaano gacanta Al Shabaab ku jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Golaha wadatashiga iyo DF oo digniin soo saartay

Caydiid Ali

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo goordhaw ka furmay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo isku day dil ka badbaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---