Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya
Dr. Saciid Ciise Maxamud 2021
Waxaan si kal iyo laab ah u aqoonsanahay in Soomaaliya ay asal ahaan ahayd wadan ay lahaayeen beelo ku toloobey isirka Soomaalinimo oo ku dhaqmida qabyaaladuna ahayd dastuurka ay isku maamulayeen.
Waxaan qirayaa mahadnaq balaaran oo aan u hayo odayaasha ay Soomaalidu ku abtirsato oo ahaa awooweyaashii aasaasay Soomaalinimada.
Abuulankaas ay Soomaalidu ka soo askuntay oo si qadarin badan u soo difaacay qarniyaal badan dhulka, badaha, webiyada, iyo kheyraadka dabeeciga ah ee uu leeyahay dalkeena maanta loo yaqaan Soomaaliya.
Waxaan aqoonsan nahay in Islaamku uu yahay diinta dalkeena oo ay saldhig u tahay dhaqanka iyo aqoonsiga Soomaalida iyo xeerka dadka lagu xukumayo. Waxaana mahadcelin balaaran u qirayaa culumadii Soomaaliyeed oo naf iyo wakhtiba u soo horay in Soomaaliya ay noqoto dal Muslim ah.
Waxaan sidoo kale aqoonsan nahay in xukunkii maxmiyada UNka ay Soomaaliya uga saartay gumeysiga ay u horseeday dalkeena markii ugu horeeysey inuu helo aragti cusub oo ka turjumeeysa dhismaha wadan leh dowladnimo casri ah oo ku dhaqmeeysa dimoqaraadiyad ku dhisan xukunka rayidka.
Hanaankaas dowladnimo oo casriga ah ayaa waxey curisay iney Soomaaliya noqoto Jamhuuriyad leh hal madaxweeyne, hal dowlad, hal dad, iyo hal caasimad oo noqota xaruunta dowladda dhexe. Waxaana aan sidaas ku qirayaa mahadcelin balaaran oo aan abaalka weyn ugu hayo bulshada caalamka oo ay hogaanka u hayso Ururka Qaramada Midoobey.
Waxaan u aqoonsan nahay in mudaharaadku yahay astaan wadaniyadeed oo taariikh ahaan ahayd aaladii ugu weeyneeyd oo loo adeegsado xiligii doonista loogu jirey gobonimada Soomaaliya.
Gobonimadoonkaas oo qeyb ka ahayd halgankii dheeraa oo tixanaha ahaa oo ay xornimodoonka Soomaaliyeed ugu jireen sidii ay dalkooda uga difaacan lahaayeen cadowgii ku ahaa duulaanka.
Sidaas daraadeed ayaa waxaan qirayaa in mudaharadku yahay xaq iyo xoriyad halgamaanimo oo yoolkeeda ugu weyn uu yahay in shacabku ku muujiyaan iskacaabin nabadeed oo looga soo horjeedo awooda diidan xuquuqda iyo xoriyadaha dadka, dalka, iyo diinta. Waxaan sidaas awgeed aan amaan iyo mahadcelin balaaran u hayaa halgameyashii ahaa geesiyaasha wadaniyiinta Soomaaliyeed oo naftooda iyo maalkoodaba u huray mudaharaadyadii uu dhiiga badan ku daatay ee dalka lagu xoreeynayey, laguna mideeynayey ummadda Soomaaliyeed.
Halgameyaashaas oo ay waxyeelo aan la qiyaasi karin ka soo gaartey dagaalkii xaqa ahaa oo ay ku doonayeen gobonimda iyo ismaamulida madaxabanaan ee qaranimadii Soomaaliweyn. Taas oo bedelkeeda ay ugu dambeeyntii dhagaxtuuradii dhacay kun iyo sagaal boqol iyo kontomeeyadii ay ku curatay Jamhuuriyad Soomaaliya.
Waxaana xusid mudan in halgameyaashaas aysan intooda badan ahayn kuwo haystey dhaqaale, aqoon, iyo darajooyin awoodeed oo ay bulshada ku dhex lahaayeen. Waxaana xaqiiq dhabkahadala noqotay in halgameyaashaas intooda soo gaartey madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya inaysan wax maamuusa ama mansab ah aysan ku helin gobonimadii ay u soo halgameen.
Waxaan aqoonsan nahay in jiritaanka Soomaalinimada ay soo food saareen marar badan sharar dumisey qaranimadooda oo ay uga soo gudubtey dhabaradeegnimo, kadibna ay ka soo kabatay waxyeeladooda. Waxaana caqabadaha sharta badnaa ee xiliyadii kala duwanaa soo food saaray ka mid ahaa: gumeeysi iyo xukun Fashiisnimo, adoonsi iyo adeegsi xuquuq la’aneed, dagaalo sokeeye iyo kuwo shisheeye, diktatooriyad iyo xukun shuucinimo, qabyaalad iyo xukun Federaalnimo, xagjirnimo iyo xukun wadaadnimo, iyo xasuuqa COVID-19 iyo burbur dhaqaale.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa hogaamiyeyaasha jiilashii hore ee Soomaaliyeed oo sida isdabajooga ah ula dagaalamay sharta iyo sharwadeyaasha. Waxeyna iska caabintaas joogtada ahayd ay Soomaalida ka dhigtay markasta iney yihiin halgameyaal xili kasta u taagan difaacida dalkooda. Sidaas daraadeed ayaan waxaana si gaara mahad weyn ugu hayaa madaxweyneyaashii Soomaaliyeed ee soo hogaamiyey dalkeena oo dhibaatooyin aad u badan kala soo maray ka keenista meel aad u fog oo aad u dhib badan.
Madaxweyneyaashaas oo u soo dhabaradeygay soo gaarsiinta jiritaanka dowladnimada Soomaaliya meesha maanta ay joogto oo ay sii wadideeda ay ku soo simeen jiilka maanta xilqaadka ah oo ay ka midka yihiin xildhibaanada iyo sanatarada maanta jooga golaha baarlamanka.
Waxaan sidoo kale si murugo leh u aqoonsan nahay xasuusta ku dhex jirta taariikhda madow oo ay leedahay Soomaalidu oo sababta u ahayd sida cadaaladdarrida ah ee loola dhaqmay qeybo ka mida shacabka Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan bulshooyinka dhexdooda si liidasho ah loogu dhex takooray oo weliba la soo heeybsoocayey qarniyo badan. Quursigaas iyo xaqiraadaas oo ay waxyeelo joogto ah ay ka soo gaartey jiilal aad u badan oo ka mida bulshooyinka la duudsiiyey xuquuqdooda sinaaneed. Waxaan si tiiraanyo leh uga raali gelinayaa xumaanta baaxadaas weyn leh oo loo geeystey dad Soomaaliyeed oo aan mudnayn in meel ka dhac loogu geeysto haybtooda ay isir ahaan uga soo jeedaan abtirsiga beelahooda. Waxaan cod dheer ugu sheegayaa bulshooyinkaas haybtooda ku dulman inuu dhamaaday wakhtigii quursiga, xaqiraada, iyo kala sareeynta oo ay si rasmiya u dumeen kaabeyaashii ay ku tiirsanaayeen.
-DHAMMAAD-