Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qiimaha la iibiyo xoolaha nool ee Suuqyada Muqdisho oo cirka isku shareeray (Sawirro)

Qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee Suuqyada magaalada Muqdisho oo cirka isku shareeray, munaasabada Ciidul adxaa awgeed

Qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Ariga ayaa sare uga kacay Suuqyada magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo qiimahoodu uu kor u kacay ku dhowaad labo jibaar intii horey loo iibin jiray.

Sare u kaca ku yimid qiimaha xoolaha oo sanad walba xiligan oo kale la arko ayaa loo sababeynaa dadka iibsanaya xoolaha oo badan si loo gowraco maalmaha munaasabada ciidul Adxaa.

Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha Ariga ayaa sheegay in qiimaha bil ka hor la iibin jiray neefka Ariga ah iyo kan la iibiyo hadda uu farqi weyn u dhexeeyo, iyagoo taasna ku macneeyey ariga Suuqa la keenayo oo aad u yar iyo dalabka oo badan.

“Neefka ariga ah ee birimada ah waxaa bil ka hor la kala siisan jiray illaa $100 Dollar hase ahaatee waxaa uu gaaray hadda $150 dollar wax ku dhow, Ariga suuqa la keenana aad ayuu u yar yahay, waxaa kaloo jira qiimeyaal kala duwan oo ku xiran sida uu ariga u kala miisaan weyn yahay” sidaa waxaa tiri Culumo Axmed haweeney magaceeda ku sheegtay oo ka mid ah ganacsatada Ariga ee suuqa degmada dayniile.

Sidoo kale, Sanad walba marka la soo gaaro xiligan Xajka ayaa waxaa dalka Sacuudiga loo dhoofiyaa xoolaha gaaraya tobanaan kun oo neef kuwaasoo maraakiib kala duwan ay ka daabulaan dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo inkastoo sanadkan aysan jirin xoolo badan oo dalka ka dhoofay, sababo la xiriira cudurka COVID-19 oo sanadkii labaad muslimiinta caalamka ka baajiyey iney soo gutaan Xajka.

Gudaha dalka maalmaha ciidul adxaa waxaa lagu gowracaa kumanaan neef oo u badan  Lo’ ari iyo Idaha, kuwaasoo qarashaad badan ay ku soo iibiyaan dad ILAAHAY wax siiyey iyo heyado Islaami ah, iyagoo ka dibna sadaqo ahaan u siiya dadka danyarta ah oo maalmaha hilib ka dherga intii ILAAHAY calaf ugu daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Iscasilaada Farmaajo wax aan aheyn Somalia xal uma noqoneyso”

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal lagu dilay saraakiil badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay safar dibeda ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---