Dowlada Itoobiya ayaa mar kale ku dhawaaqday guluf dagaal oo ka dhan kooxda TPLF ee dhowaan qabsatay qaybo ka tirsan Gobolka Tigray, iyadoo talaabadan ay meesha ka saareyso xabad joojin hal dhinac aheyd oo dowladu horey u shaacisay.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in mar kale ciidamadiisu qaadi doonaan dagaal saf balaaran ah oo kooxda TPLF looga hortagayo ka dib kulan uu la qaatay saraakiisha sare ee Ciidamadda Xoogga Itoobiya.
Abiy Ahmed ugu baaqay Beesha caalamka inay taageeraan howlgalkan, isagoo balan-qaaday in aan dib looga hakan doonin ciribtirka kooxda TPLF, ayna dhamaatay waanwaan dambe iyo wadahadal lala galo kooxdaas.
“Ciidamadeena Qaranka ee geesiyaasha ah waxaan faray iney bilaabaan howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo sareynta sharciga, laguna ciribtirayo kooxda argagaxisada ah ee TPLF” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Shacabka dalkaas ayuu ugu baaqay inay iska qoraan xarumaha Ciidamada Xoogga iyagoo la imaanaya arji codsi ah, sawir teesaro ah iyo inay leeyihiin aqoon dugsi sare ama jaamacad si ay uga qeyb qaataan difaaca dalkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com