Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo arrin caqabad ku ah doorashada kala shiray Safiirada Beesha caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamo goonni goonni ah la yeeshay qaar ka mid ah safiirada reer galbeedka u fadhiya Somalia.

Safiirada uu Rooble la kulmay ayaa kala ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Ra’isul Wasaaraha iyo danjireyaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii dalalka iyo ururada ay metelaan labada safiir kaalintooda uga qaadan lahaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rooble uu safiiradan kala hadlay sidii loo dedejin lahaa bixinta dhaqaalaha loogu talo galay doorashada oo illaa hadda beesha caalamku aysan bixin.

Safiirada ayaa ku amaanay Rooble dedaalka uu ku bixinayo qabsoomida doorashooyinka dalka, waxayna balan-qaadeen iney ku dedaali doonaan sidii beesha caalamku uga soo dhalaali laheyd kaalinta kaga aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar deg deg ah ku yimid Muqdisho iyo Xog ku aadan Ujeedka …

Cabdi Cade

Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo toban su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

Cabdi Cade

Axmed Karaash oo Garowe ku qaabilay wafdi uu horkacayo Tim Filip Ros (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---