Allbanaadir.com
NEWS

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ku dhawaaqay munaasabada Ciidul-fitriga

Iyadoo bisha Ramadaan ay ku beegneyd maanta 29 ayaa qaar ka mid ah dalalka Islaamka waxay ku dhawaaqeen caawa in la arkay bishii Shawal ayna maalinta beri ah u tahay Maalinta koowaad ee ciidul fitriga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay maalinta Berri ah ee Jimcaha 15-ka June 2018 ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul Fitriga sanadkan 1439H.

Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa kasoo xigatay Maxkamadda sare ee Boqortooyada go’aanka lagu xukumiyey dhalashada Bisha Shawaal oo la sheegay in laga arkay magaalada Sudair ee dalka Sacuudiga.

Dalalka islaamka ee ku dhawaaqay inay Berri oo Jimce ah tahay ciidul fitri ayaa waxaa ka mid ah Dowladda Qatar oo goor dhoweyd shaacisay in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), isla markaana ay berrito tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Dalalka Indonesia iyo Maleysia  ayaa  noqday dowladihii ugu horeeyey ee shaaciyey iney tahay beri ciid bishana laga arkay dalalkooda, waxaana weli iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan ciida

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo rejo ka qabta wali in ay ku biirto NATO xilli dowladda Turkiga u deyrisay

Cabdi Cade

Madaxweyne Ruto oo sheegay in dal kale uu ka helay diyaaraddii muranka dhalisay

Cabdi Cade

Taliska Booliska gobolka Bari oo beeniyey baraha bulshada Warar lagu faafiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---