Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Xoogga dalka & kuwa Galmudug oo Al-Shabaab kala wareegay degaanka Camaara

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay degaanka Camaara ee Gobolka Mudug ka dib dagaal saaka ka dhacay.

Ciidamada ay oo ay hoggaaminayaan Saraakiil uu kamid yahay Jen. Saadaq Joon ayaa waxaa ay weerareen degaanka Camaara, halkaasoo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay la wareegeen degaanka.

Ciidamada ayaa saaka Howlgal ka bilaabay inta u dhaxaysa Camaara iyo Xinlabi ee Koonfurta Gobolka mudug waxaana iminka socda dagaal xooggan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxay sheegeen in ujeedka howlgalkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Al-shabaab ay gacanta ku heysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoghayihii Guud ee guddiga doorashada federaalka oo xilkii laga qaaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo si adag uga hadlay Dagaalka Tigrey baaq deg deg ahna u diray Shacabka

Cabdi Cade

Hooyo xukun lagu riday kaddib markii gabadheeda ay guur ku qasabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---