Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Muxuu Gudoomiye Gacal kala hadlay Guddiga doorashooyinka Galmudug? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr. Max’ed Nuur Gacal ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay  Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah oo lagu kala war qaadanayey ayaa Xubnaha Guddiga waxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho cadaalad ah.

Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shalay ku laabtay magaalada Dhuusamareeb oo ka mid ah degaanada lagu qabanayo doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Qalliin is qurxin ah u aaday dalka Turkiga oo si lama filaan ah u geeriyootay

Cabdi Cade

Isbadal lagu sameeyay ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Koontaroolo ku yaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Puntland oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---