Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada oo toogasho lagu dilay

Faahfaahino ayaa kasoo baxaya dil xalay loogu geystay magaalada Baledweyne Askari ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala magaaladaas.

Xasan Maxamud Qeyliye ayaa waxaa la sheegay in rasaas lagu furay isagoo la socday Mooto Bajaaj kuna sii jeeday hoygiisa magaalada Belad-weyne,

Rag bastoolado ku hubeysan oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay iney fuliyeen dilka loo geystay askariga, kuwaasoo goobta ka baxsaday, iyagoo horey u sii qaatay qorigii uu ku hubeysnaa askarigaas.

Booliiska Soomaaliya ayaa ayaa xalay ilaa saaka ka wada qeybo ka mid ah magaalada Belad-weyne howlgalo lagu baadi goobayo ragga dilka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay in dileen in ka badan 70-askari oo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Khaliif Cabdinuur Maxamed & qori uu watay oo isku dhiibay Booliska Kenya

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo magacaabay Guddiga tartanka adeegga Xajka iyo Walaalkiis oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---