Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Meydadka Wiilal walaalo ah oo saaka laga helay Webiga Shabelle ee Belad-weyne

Meydadka laba wiil oo Walaalo ah ayaa laga helay saaka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan meel ku aadan xaafada Buundaweyn.

Labada Wiil ee walaalaha ahaa ayaa shalay Kiliga Waraaboole ee xaafada Buundaweyn Wabiga uga dhacay, waxayna doonayeen iney ku dabaashaan, hase ahaatee wiilashan oo aan dabaasha aqoon iyo webiga oo buuxay ayaa sababay iney halkaas ku dhintaan.

Wiilashan meydkooda laga dhex helay wabiga Shabeelle ayaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Caddow iyo Feysal Nuur Caddow.

Wabiga Shabeelle ayaa inta badan waxa uu qaada caruurta u dabaal tagta ee aanan garaneyn dabaasha, waxaana mararka qaarkood meydadkooda laga soo helaa meelo aad uga fog goobta ay ka galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Caafimaadka dalka Britain oo is casilay kadib Fadeexad weyn oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Dadkii lagu la’aa Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye oo la helay

Cabdi Cade

Dowlada oo Diyaarisay Ciidamadii qaban lahaa Kismaayo iyo Cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---