Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo xariga jaray dhismaha Mashruuc cusub, Mid kalena dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarigga ka jaray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, kaasoo si casri ah loo dhisay.

Waxaa dhismaha mashruucaan fulisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa amaanay kaalinta wanaagsan ay dhismahan ay ka qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhismaha Xabsigan ayaa qeyb weyn ka qaadanaya xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa magaalada Baydhabo si Wadajir ah uga dhagax dhigay dhismaha 4-km oo ka mid ah Waddada bartamaha magaalada Baydhabo inta u dhaxaysa Cali Amxaar – Afar irdoodka.

Dhismaha Wadadan ayaa waxaa laga fulinayaa Mashruuca Somali Urban Resilience Project SURP II oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunku.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Soomaali oo gaaray magaalada Baydhabo isla maanta waxaa kusoodhoweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud KGS, Maamulka Gobolka Bay iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo guda galaya doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray umadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ciidamada Cusub ee maanta la wareegay amaanka garoonka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---