Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo howlo shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa Kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada Galmudug ee ku ganacsata Kenya.
Ganacsatada Galmudug kasoo jeeda ayaa Madaxweynaha Puntlanad uga mahadceliyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Gobolka Mudug, gaar ahaan amniga iyo horumarka.
Madaxweynaha Puntland oo maalmahan ky sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi kula kulmay siyaasiyiin ,ganacsato, iyo waxgarad kala duwan.