Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shaqsigii bixiyay Amarka lagu dilay Madaxweynihii dalka Haiti oo la shaaciyay

Dowlada Colombia ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan maskaxdii ka dambeesay dilkii loo geestay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise, oo koox calooshood u shaqeestayaal u badnaa kuwa kasoo jeeda Colombia ku dhax dileen gurigiisa.

Taliyaha ciidanka booliiska dalka Colombia Janaraal Jorge Luis Vargas, ayaa sheegay in amarka dilka loo geestay Madaxweynaha Haiti uu bixiyay Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo lagu magacaabo Joseph Felix Badio .

Waxa uu sheegay taliyaha in sargaalkan markii hore labo kamid ah raga hogaaminayay calooshood u shaqaeestayaasha ku amray in ay soo xiraan Madaxweynaha balse markii dambe isbadal ku yimid kuna amray in ay dilaan.

Sargaalkan amray in la dilo Madaxweynaha Haiti ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti, kuwaa oo lagu eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila.

Dowlada Haiti wali kama hadlin xogtan cusub ee la shaaciyay ee ku aadan shaqsiga maleegay shirqoolka lagu dilay Madaxweynaha, waxaana ciidamada dalkaasi la sheegay in ay hada wadaan howlgalo culus.

Ciidamada booliiska dalka Haiti ayaa gacanta ku dhigay inta badan ragii ka dambeeyay dilka Madaxweynihii dalkaasi , waxaana ragaasi calooshood u shaqeestayaasha dilka geestay la filayaa in xukuno adag dowlada ku rido.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Taliye ku-xigeen & askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Duqii Magaalada Nairobi oo xabsiga la dhigay iyo xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Baledweyne iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---