Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Soomaali ah oo la geenayo Gobolka Tigrey si dagaalka ugu biiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in suurto gal tahay in ciidamo Soomaali ah u diraan gobolka Tigrey si ay taageero ugu siiyaan dagaalka ciidamada federaalka ee ku sugan gobolkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka xili kasta diyaar u yihiin difaacida sida uu tilmaamay Qaranimada Itoobiya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la dagaalanka kooxda TPLF ee ku sugan obolka Tigrey u hurayaan naf iyo maal, waxa uuna xusay hadii loo baahdo in ciidamo geeyaan gobolka Tigrey balse hada aysan jirin ciidamo deegaanka oo halkaasi ka dagaalamaya.

“Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan u shaacinnay.” ayuu yiri Wasiir Badal.

Wasiirka Warfaafinta dowlad Deegaanka ayaa sheegay ciidamada deegaanka door weyn ku leeyihiin difaacida qaranimada Itoobiya ayna horey uga qeyb qaateen dagaalo badan ay ku jiraan kii dhax maray dowlada Itoobiya iyo Eritrea.

“Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” ayuu sheegay Wasiir Cali Badal.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeeda kooxda TPLF oo sanado badan heysay talada dowlada Itoobiya, waxa ayna dowlad deegaanka si weyn u taageerayaan dagaalka looga soo horjeedo TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Musharixiinta oo aqbalay qorshe cusub oo xal loogu raadinayo Khilaafka doorashada

Caydiid Ali

Xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo bilaabaneysa & guddi la Magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo u istaagay boqolaal shacab isugu soo baxay Garoowe (Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---