Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray shacabka & dhigiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordugan, Shacabka iyo Xukuumadda dalkaas xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxaana uu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka walaalahooda Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.” ayuu yiri Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay Dibad baxa ay qorsheeyeen Mucaaradka Digniin adagna diray

Cabdi Cade

Mucaaradka Siiriya oo gaaray hareeraha Dimishiq (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi Soomaali ah oo Wasiir muhiim ah ka noqday dowalada Tanzaaniya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---