Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo kulan Xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kulan albaabada u xirnaayeen kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadana ah Musharax Madaxweyne.

Ilo ku dhaw dhaw labada masuul ayaa laga soo xigtay in kulanka uga hadleen arimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan doorashada labada aqal ee lagu wado in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Hirshabelle.

Cali Guudlaawe ayaa Sheekh Shariif u balan qaaday in uu ka shaqeyn doono in cadaalad ku dhacdo doorashada xildhibaanada labada aqal kana hortagi doono eex iyo in cid gaar ah loo xiro kuraasta lagu tartamayo.

Sheekh Shariif oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hirshabelle ayaa xiriir dhaw la leh Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxa uuna Shariif sanadkan doonaa in xubno badan ku yeesho Xildhibaanada laga soo dooranayo deegaanada Hirshabelle.

Related posts

Caruur 30 ka badan oo 48 saac gudahood ku dhintay Isbitaalka Kismaayo (Sababta)

Caydiid Ali

Xukun dal dalaad ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay fasahaadinta dhulka iyo sameynta ..

Cabdi Cade

Haweeney 500 oo maalmood ku dhex nooleyd GOD 70 mitir Dhulka hoostiisa ah!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---