Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan aan Caadi aheyn oo maanta ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan aan caadi aheyn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.
 
Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar.
 
Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, Ka hortaga mukhaadaraadka iyo sugida Amniga Shacabka kuwaasi oo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo lagala wareegay Saddex degaan oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo diiday Ergayga gaarka ah ee Xassan Shiikh u Magacaabay Somaliland

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---