Allbanaadir.com
NEWS

Dab Khasaaro dhimasho sababay oo xalay ka kacay Xaafad ku dhaw garoonka Aadan Cadde

Waxaa xalay dab sababay khasaaro dhimasho uu ka kacay xaafad ay degan yihiin dad barakacayaal oo kutaala Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay baaruud caruur ku dheeleysay oo qabsaday koronto taa oo dhalisay dabka, waxa uuna dabkan baa bi’iyay dhowr guri oo ka sameesnaa cooshado iyo jiingado oo halkaasi ku yaalay.

Inta la xaqiijiyay dabkan waxaa ku naf waayay sadex caruur ah oo walaalo ahaa, waxaana caruurtan la sheegay xiliga uu dabku ka cayay in ay ku sugnaayeen gurigooda halkaasna ku geeriyoodeen.

Hooyada dhashay caruurta geeriyootay oo lagu magacaabo Maryan Axmed Faroole ayaa sheegtay in caruurteeda seexisay kadibna banaanka u baxday, waxa ayna xustay in wax yar kadinb guriga dab qabsaday halkaasna uga geeriyoodeen sadex caruur ah.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya guryaha gubanaya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho siyaabo kala duwan ugu gubtay dhowr guri, dabka guryaha gubaya ayaana inta badan sabab looga dhigaa in uu ka dhasho koronto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo xukun toogasho ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo halka uu ku sii jeedo

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo shirar ka dhan ah Jubbaland kawada Garbahaarey (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---