Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

(Akhriso) Gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo la Magacaabay

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaaday guddoomiyahii degmada Buula burte Feysal Haajir Aadan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee degmada Buula burte loogu magacaabay Axmed Mahad Nuur.

Isbedelkan ayaa yimid maalmihii la soo dhaafay ay hakad ku jireen howlahii shaqo ee degmadaasi, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Hirahabelle Yuusuf Dabageed uu shaqo joojin ku sameeyay Maamulka degmada Buula burte.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilka ka qaadista Guddoomiyahii hore ay salka ku hayso khilaaf loo maaro waayey oo u dhaxeeyay isaga iyo ku xigeenadiisa.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Belad-weyne

Cabdi Cade

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka jawaabtay cabashada ka soo yeertay Kenya

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo ku baaqay in Xal deg deg ah loo helo muranka ka taagan doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---