Allbanaadir.com
NEWS

Macalinkii Qurxoonaa ee tuuga isku bedelay iyo Saaxiibkiis oo xukun adag lagu riday !!

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun adag oo xabsi ah ku riday Cabdifitaax Cali Cumar oo lagu helay in uu ahaa burcad si farsameesan gabdho badan uga dhacay moobeelo iyo alaabo kale ay wateen.

Ninkan xukunka maxkamada ku riday ayaa dhawaan ciidamada booliiska Soomaaliya ku qabteen magaalada Muqdisho, waxaana ninkan markii la qabtay kadib soo baxay dambiyo kala duwan uu geestay xiliyo kala duwan oo u badnaa dhac uu u geestay gabdho.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana ku riday Cabdifitaax Cali Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah halka nin kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Xasan oo telfoonada uu soo dhaco ninkan usii iibin jiray lagu riday 2-sano oo xabsi ah.

Cabdifitaax Cali Cumar oo horey u ahaa nin bartay cilmiga diiniga macalin dugsina soo noqday ayaa qirtay in siyaabo kala duwan telfoono iyo alaabo kalaba uga dhacay gabdho Soomaaliyeed oo badankood la sameeyay xariir jaceyl oo been abuur ah.

Sheekada ninkan aan u muuqan burcada hadana dad badan siyaabo kala duwan ugu dhacay magaalada Muqdisho ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo Warbaahinta gudaha, waxa ayna sheekadan ninkan dad badan ku noqotay layaba iyo fajiciso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqo joojin lagu sameeyay Karar Shukri Doomey iyo Sababta keentay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

Wadahadallo la xariira Horumarinta iyo Amniga Gobolka oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---